Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ZANU-PF oo ku guuleystay doorashada Zimbabwe


Taagerayaasha ZANU-PF
Taagerayaasha ZANU-PF

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa ku guuleystay tirada ugu badan ee kuraasta baarlamnka dalkaas, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada doorashada oo maanta la shaaciyey.

Tirada ay baahiyeen guddiga doorashada Zimbabwe ayaa muujineysa in ZANU-PF uu ku guuleystay 110 ka mid ah 210-ka kuraas ee baarlamanka. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Dhaqaaqa Isbeddelka Dimoqraadiyadda (MDC) ayaa ku guuleystay 41 kursi.

Weli lama shaacin cidda ku guuleystay kuraasta harsan.

Haddii ZANU-PF uu ku guuleysto ugu yaraan 30 kursi oo kale oo dheeri ah, wuxuu heli doonaa laba meelood saddex meel kuraasta baarlamanka, taasi oo u saamaxeysa inuu sameeyo isbeddelo dastuuri ah, isaga oo aan u baahan codadka xubnaha kale ee baarlamanka.

Codadka doorashada madaxtinimada ayaa weli la tirinayaa waxaana lagu wadaa in natiijada lagu dhawaaqo dhammaadka toddobaadkan.

XS
SM
MD
LG