Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM iyo IGAD oo dhex dhexaadinaya Somaliland iyo Puntland

Michael Keating
Michael Keating

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa Hargeysa ku sugnaa wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas oo wadahadallo iyo kulamo la lahaa mas’uuliyiinta Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada rayidka ah.

Weftiyadan ayaa u socday waanwaan la xidhiidha sidii loo damin lahaa colaadda iyo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq.

Weftiyadan ayaa dhinacyada ay la kulmeen la wadaagay qodobbo ay sheegeen in ay xiisaddaas xal u noqonayso. Waxyaabaha laga wada hadlay, qodobbada laysla gartay iyo dulucda kulamadaas waxa warbixintan ku eegaya weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

QM iyo IGAD oo dhex dhexaadinaya Somaliland iyo Punttland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

XS
SM
MD
LG