Isku xirrada

War Deg-Deg ah

 Kooxaha Yurub oo Mareykanka ku ciyaaray


Mohammed Salah, joueur de Liverpool, lors du match contre Brighton, le 13 mai 2018.
Mohammed Salah, joueur de Liverpool, lors du match contre Brighton, le 13 mai 2018.

Waxaa dalkaan Mareykanka ka socda ciyaaro saaxibtinimo oo ay qaar ka mid ah kooxaha ugu caansan Yurub ugu diyaar garoobayaan xilli ciyaareedka cusub ee oo bilaaban doona bisha August.

Mid ka mid ah ciyaarihi xalay dhacay ayaa waxay magaalada Minniapolis ee gobolka Minnesota ku dhexmartay kooxaha Manchester United iyo AC Milan.

Labadan koox ayaa 90-ki daqiiqo ee caadiga ahaa isku mari waayay barbarro 1-1 ah, waxaana marki danbe lagu kala saaray rigoorayaal oo ay 9-8 ku badisay kooxda Manchester United.

Waqtigi caadiga ahaa waxaa goolka la hormaray Manchester waxaana u saxiixay Alexis Sanchez daqiiqadii 12-aad, balse saddex daqiiqo kadib ayaa waxaa Milan u bareejeeyay Suso.

Dhinaca rigoorayaasha, laacibiinta labada koox ayaa waxay tuureen 26 rigoore, waxaana goolki ugu danbeeyay Milan ka khasaariyay Franck Kessie.
*Ciyaar kale oo xiisa laheyd ayaa waxay magaalada New Jersey ku dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Waxaa kulankani mar kale kasoo dhex iftiimay laacibka reer Masar Mohamed Salah oo kusoo laabtay waddadii goolal dhaliska kadib marki uu dhaliyay mid ka mid ah 2-1 oo ay kooxdiisa Liverpool ugu awood sheegtay Man City.

Goolka waxaa la hormartay Manchester City waxaana u saxiixay Leroy Sane, balse waxaa bareejeeyay Salah. Goolka guushana waxaa Liverpool rigoore u dhaliyay Sadio Mane.

Salah iyo Mane ayaa labaduba marki ugu horreysay kusoo laabtay garoonnada kadib marki xulalkooda Masar iyo Senegal lagu reebay wareegi koowaad ee ciyaarihii Koobka Aduunka ee bartamihi bishaan lagu soo gaba gabeeyay Russia.

Ciyaaraha kalana, kooxda Juventus waxay 2-0 ku garaacday Bayern Munich Andrea Favilli oo ah ciyaaryahan dhalinyaro ah oo dhawaan loo soo dallacsiiyay heerka koowaad ee kooxda Juventus.

Tottenham ayaa 4-1 ku garaacday Roma. Goolasha waxaa min labo u kala qeybsaday Fernando Llorente iyo Lucas Moura, goolka kaliyah ee Rome waxaa saxiixay Patrick Schick.

Kooxda Benfica ee dalka Portugal ayaa iyaduna rigoorayaal 4-3 ah uga badisay naadiga Brussia Dortmund ee dalka Jarmalka kadib marki ay waqtigi caadiga ahaa ay isku mari waayeen barbarro 2-2 ah.

XS
SM
MD
LG