Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goolkii Pavard oo guuleystay


Benjamin Pavard
Benjamin Pavard

Xiriirka kubadda cakta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqay magacyada laacibiinti ugu goolasha qurxanaa Koobki Aduunka ee dhawaan ka dhacay dalka Russia.

Goolki ugu wanaagsanaa ayaa waxaa uu noqday goolkii layaabka lahaa ee uu laacibka reer France Benjamin Pavard ka dhaliyay xulka Argentina.

Pavard oo ah 21 sano jir ayaa goolkaasi dhaliyay waqti ay Faransiisku u baahnaayeen oo ay Argentine ciyaarta ku hogaamineysay 2-1 wareegii 16-ka ee tartanka. Waxana uu Pavard si xoog badan lugta ugu laaday kubad uu u soo karoosay ciyaaryahan Lucas Hernandez, taasoo uu arki waayay goolhaye Franco Armani.

Faransiiska ayaa ciyaartaasi ku badiyay 4-3. Goolka Pavard uu dhaliyay ayaa waxaa laga xushay 17 gool oo iyana lagu tilmaamay kuwi ugu wanaagsanaa ee laga dhaliyay Koobki Aduunka ee 2018-ka.

Waxaa kaalinta labaad galay goolki Juan Fernando Quintero oo u dhashay dalka Colombia ka dhaliyay xulka Japan. Goolkaas ayaa ahaa mid uu ku dhaliyay laadka xorta ah.

XS
SM
MD
LG