Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo Senate-ka Hortagay


Isaga oo ka hor markhaati furaya koox mudanayaan senatorada Maraykanka ka tirsan ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu Arbacadii shalay ka gaabsaday inuu galo faahfaahin ku saabsan waxyaabihii laga hadlay markii Madaxweynayaasha Maraykanka D. Trump iyo Ruushka Vladimir Putin ay toddobaadkii hore ku kulmeen magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Hase yeeshee, Pompeo ayaa caddeeyey in Maraykanku uuna aqoonsan doonin goosashadii Crimea uu Ruushka sanadkii 2014ka ka gooystay dalka Ukraine.

Pompeo oo kulanka ka hadlaya ayaa yiri “Madaxweynuhu waxa uu xaq u leeyahay in kulamo gaar ah yeesho.” Waxana uu intaas ku daray inay arrin habboon tahay in Madaxweynuhu uu la kulmo Vladir Putin.

Pompeo waxa uu sharci dejiyeyaasha ah u sheegay in Madaxweynuhu uu si cad u ogsoon yahay falalkii Ruushka ee doorashadii madaxtinimo ee 2016kii.

XS
SM
MD
LG