Wararka ka imanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegayaa in ugu yaraan 12 qof oo Soomaali ah bishan gudaheeda lagu dilay dalkaasi.
Dadka u dhaqdhaqaaqa jaaliyadda Soomaalida ayaa VOA u sheegay in dilalkan badankooda ay ka dhaceen agagaarka magaalada Cape Town.
Arrimahan ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay ka waraystaya Cumar Muxumed Maxamed oo ah suxufi ku sugan magaalada Johannesburg.