Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo dacwad kusoo oogay Xubno Daacish ah


ISIS flag
ISIS flag

Laba muwaadin oo Mareykan ah oo la rumeysanyahay in ay kasoo barbar dagaallameen kooxda Daacish ayaa Talaadadi shalay lagu soo celiyay Mareykanka si loo maxkamadeeyo.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ibraheem Musaibli, oo ku dhashay magaalada Dearborn ee gobolka Michigan, iyo Samantha El Hassani, oo kasoo jeedda gobolka Indiana, ay soo gaareen carriga Mareykanka iyaga oo ay wehliyeen ciidamo ka tirsan millatariga Mareykanka oo kasoo waday Suuriya.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in Ibrraheem Musaibli maanta oo Arbaca ah lasoo taagi doono maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Detroit.

Musaibli ayaa lagu eedeeyay in uu kooxda ISIS u fidiyay taageero maaddi ah sidoo kalana ka garab dagaallamay kooxdani laga soo billaabo April 2015 ilaa ay xoogaga Suuriya ee taageersan Mareykanka ka qabteen bishii June ee sannadkaan gudaha Suuriya.

El Hassani ayay waaxda Caddalada Mareykanku sheegtay in lagu maxkamadeyn doono magaalada Hammond ee gobolka Indiana. Waxaa lagu soo eedeeyay in ay been u sheegtay hey’adda FPI-da.

Waxaa la socda afar carruur ah oo laba ka mid ah ay ku soo dhashay Suuriya.

XS
SM
MD
LG