Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dagaallo u dhaxeeyay laba beelood ay ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceeryaan oo 70km u jirta magaalada Ceerigaabo.
Dagaalkan oo la sheegayo inuu aano-qabiil salka ku hayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.
Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka taleefonka ku wareystay Xildhibaan Caydiid Faarax Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo goobta dagaalladu ka dhaceen jooga.
Facebook Forum