Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan


Shabaab
Shabaab

Ugu yaraan 12 qof oo afar ka mid ah ay yihiin ciidamada dawladda ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabab ayaa saaka waaberigii weerarka ku qaaday saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya inay laba baabuur oo qaraxyo ah ay Al-Shabaab ku weerareen goobtaasi, kadibna uu xigay weerar rasaas ah.

Saraakiisha dawladda ayaa VOA u sheegay inay dileen ugu yaraan 8 maleehsiyaad ah oo soo weeraray xeradaasi saacadihii hore ee saaka.

Dhinaca kale, Shaabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegtay inay saldhigaasi qabsadeen, islamarkaana ay ciidamada ka dileen 27 askari.

Ma jiraan warar si rasmi ah u xaqiijinaya khasaarahaasi ay sheegeen labada dhinac.

Haaruun Macruuf ayaa weerarkan ka waraystay Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ah Taliye urur kuna sugan Sanguuni.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:37 0:00

XS
SM
MD
LG