Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Neymar oo muddo murug la aamusnaa


Naymar
Naymar

Xidiga xulka kubadda cakta Brazil Neymar ayaa marki ugu horreysay warbaahinta la hadlay tan iyo marki ay ka hareen Koobki Aduunka ee bishaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.

Brazil ayaa ku hartay wareega sideeda kadib marki ay 2-1 ku khasaartay kooxda qaranka Belgium.

Neymar ayaa sheegay inuu la murugsanaa guuldarradaasi aadna uga xumaaday balse ay hadda dhaaftay murgadi uu qabay.

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray warar la isla dhaxmarayay maalmahaan oo sheegayay inuu kusii jeedo kooxda Real Madrid.

Neymar ayaa u ciyaara kooxda PSG ee dalka France waana laacibka ugu qaalisan dunida kubadda cakta.

xilli ciyaareedki lasoo dhaafay wuxuu kooxda PSG u dhaliyay 28 gool kadib marki uu 222 milyan oo euro kaga soo wareegay Barcelona xagaagi hore.

XS
SM
MD
LG