Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Juventus oo Iibineysa Higuain


Gonzalo Higuain
Gonzalo Higuain

Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in ay go’aamisay iibinta weeraryahan Gonzalo Higuain taasoo waddada u xaareysa in kooxaha doonaya ay si rasmi ah u dalbadaan. Laakin Juve ayaa laacibkan u dhashay dalka Argentina ku rabto lacag dhan €60m.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in AC Milan ay dalban doono weeraryahankan oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Napoli.

Sababta ugu weyn ee ay Juve u iibineyso Higuain ayaa lagu sheegay in ay tahay imaanshiyaha uu Cristiano Ronaldo tagay kooxdaasi ka dhisan magaalada Turin.

Kooxaha kale ee lala xiriiriyay Higuain ayaa waxaa ka mid ah Chelsea oo uu tababare u noqday macalinkiisii hore ee Napoli Maurizio Sarri.

XS
SM
MD
LG