Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Go'aan laga filayo sharciga TPS ee Soomaalida


Waaxda Amniga gudaha Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta ay go’aan ka gaarto inay waqti ku dareyso iyo in kale sharci badbaado ku meel-gaar ah siinaya 500 oo qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo qaxootinimo ku jooga dalka Mareykanka.

Inta badan dadka sharciga uu saameynayo ayaa ku nool gobolka Minnesota, oo hooy u ah Soomaalida ugu badan ee Mareykanka degan.

Illaa 22 senator ayaa Waaxda Amniga Gudaha u diray warqad ay ku dalbanayaan in waqti lagu daro sharciga TPSP ee dadka Soomaalida ee kasoo cararay halista ka jirta Soomaaliya.

Senator Tina Smith oo laga soo doorto Minnesota, islamarkaana hogaamineysa dadalladan ayaa VOA u sheegtay in weli ay halis ku jirto Soomaaliya, sidaa darteedna in baabi’inta TPS uu dadka Soomaaliya ku celinayo Soomaaliya, uuna kala geyn karo qoysaska.

Sharcigan ayaa iminka dhacaya 17-ka September, 2018.

XS
SM
MD
LG