Magaalada Brussels waxa lagu soo gaba gabeeyay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, ee ay ka qeyb galeen xubno kala gaddisan oo caalamka ka socda, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah. Jamaal Axmed Cismaan ayaa soo koobaya war murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi.