Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday


NISA
NISA

Qoraal ka soo baxay agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa shaqada lagaga joojiyey laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adda NISA.

Labada sarkaal ee laga joojiyey shaqada ayaa kala ah Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad.

Warqaddaasi ma sheegin sababta shaqada looga joojiyey. Xiriir ay VOA la samaysay xafiiska Sarreeye Guuto Cabdalla Maxamed ayaa xafiiskiisu noo sheegeen in Agaaismaha Nabadsugidda uu armay in labadaasi taliye xigeen laga celiyo taliska NISA. Dawladda Soomaaliya oo iyadana aanu xiriri la samaynay aysan weli noo suurtogelin inaan arrintan wax ka weydiino.

Labada sarkaal ee xilka laga qaaday ayaa jagadaasi loo magacaabay bishii May ee sannadkii hore, waxaana magacaabistaasi sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilaa haatan ma cadda in amarkan uu ka yimid madaxweynaha iyo inuu ku kooban yahay Agaasimaha Nabadsugidda.

XS
SM
MD
LG