Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubaland oo celisay taliye ay dowladda soo dirtay


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismayo ka celiyeen taliye cusub oo qyabta 43-aad ee ciidanka Soomaaliya ay usoo magacawday Dawladda Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay maamulku baahiyeen ayey ku sheegeen in magacaabistaasi aan lagala tashan madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Cali Bogmadow ayaa la sheegay inaan loo oggolaanin inuu galo magaalada, waxaana maamulka Jubbaland sheegeen in diyaarraddii uu ku yimid lagu celiyey.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin magacaabista taliyahaasi iyo soo celinta maanta dhacday.

XS
SM
MD
LG