Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koobka Adduunka: Croatia oo Dardartay Ingriiska, tiigsatayna Finalaha


Xulka dalka Croatia, ayaa markii ugu horeysay gaaray finalka koobka kubadda cagta adduunka, kadib markii ay laba gool iyo gool ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingriiska.

Ciyaaryahan Kieran Trippier oo u dheela xulka dalka Ingriiska ayaa daqiiqaddii 5-aad furey goolashii la iska dhaliyay, kadib markii laad qurux badan oo xur ah uu daba dhaafiyay gool wadaha kooxda Croatia.

Ciyaarta ayaa sidaas ku socotay illaa intii laga gaaray daqiiqaddii 68-aad oo uu ciyaaryahan Ivan Perisic gool daba dhaafiyay gool wadaha Ingriiska, kana dhigay ciyaarta bar baro gool iyo gool ah.

Balse 30 daqiiqo oo lagu daray sagaashankii daqiiqo caadiga ahaa, ayaa markey ciyaarta ka dhinneyd 10 daqiiqo, waxa goolka guusha u dhaliyay xulka dalka Croatia ciyaaryahan Mario Mandzukic, kana dhigay 2-1.

Croatia, ayaa noqotay dalka labaad ee ugu yar adduunka ee koob adduun Final gaara, iyadoo sidoo kale noqotay dalkii ugu horreeyay ee inta semifinal gool looga hor maro ka daba timaaddo oo Finalaha u suu gudubta tan iyo 1990-kii oo Argentina sidaas ku sameysay Talyaaniga.

Croatia ayaa la dheeli doonta Faransiiska 15-ka bishan July oo Axadda ku beegan, iyadoo kaalinta seddexaadna ay ku tartami doonaan dalalka Biljamka iyo Ingriiska 14-ka oo Sabtida ku aaddan.

XS
SM
MD
LG