Sida aad idaacadaheena maalmahan ku maqasheen waxaa xabsiga loo yaqaano Jeel Ogaadeen ee magaalada Jig-Jiga laga sii daayey maxaabiis qaarkood muddo aad u dheer halkaas ku xirnaa.
Hase yeeshee, ururka SRAJ ee Caddaaladda iyo Siyaasadda ee Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in tirada la sii daayey ay aad uga yar tahay ta maamulka sheegay, walina ay jiraan dad xabsiga magaalada Jigjiga ku xiran
Ahmed Gurxan oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Caddaalada iyo Siyaasada gobolka Soomaalida ayaa asagoo ku sugan dalka Switzerland khadka telefoonka ugu waramay Sahra Cabdi Axmed oo Washington joogta.