Dalalka Ingriiska iyo Croatia ayaa galabta ku balansan kulan ka tirsan koobka kubadda cagta adduunka, gaar ahaan semifinalaha.
Ciyaartan oo ah mid xiiso badan, ayaa labada dal kii soo baxa waxa uu finalaha la dheeli doona dalka Faransiiska oo shalay ka badiyay dalka Biljamka.
Ingriiska ayaa rubuc dhammaadka koobkan ka soo adkaaday xulka dalka Sweden, halka Croatia-na ay rigoorooyin dirqi kaga soo fakatay xulka dalka Ruushka oo koobka marti galinaya.
Wixi kusoo kordha ciyaartan waan idin soo gudbin doonnaa.