Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Afghanistan


Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar lagu tuhmayo mintidiinta oo lagu qaaday dhisme dowladeed oo ku yaalla bariga dalka Afghanistan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 10 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka oo lagu qaaday dhismaha waxbarasho ee magaalada Jalalabad ee caasimadda gobolka Nangarhar.

Ciidamada ammaanka ayaa dagaal muddo dheer qaatay la galay kooxdii weerarka soo qaaday, xilli dambe oo xalay ah, ayaga oo ugu dambeynna ka adkaaday.

Waa wraeerkii labaad oo ka dhaca Jalalabad laba maalin gudahood.

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo talaadadii ka dhacay magaaladan.

Qofka ismiidaamiyey ayaa walxo qarxa oo uu jirkiisa kusoo xiray ku qarxiyey bar amniga laga maamulo oo ku taalla magaalada Jalalabad ee caasimaada gobolka Nangarhar ee ku teedsan xuduudda dalka Pakistan.

Afhayeen u hadlay gobolka, Attaullah Khogyani ayaa VOA u sheegay in sideed qof oo shacab ah iyo laba ka tirsanaa howlwadeenada sirdoonka dalka Afghanistan ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG