Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo bogaadiyey Ethiopia iyo Eritrea


Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

War ka soo baxay xafiiska xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu soo dhaweynayo dadaallada ay wadaan ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afawarke, taas oo lagu soo afjarayo colaadda 20 jirsatay ee labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea.

Warka ayaa lagu yiri “Xaaladda caadi ka dhigista xiriirka laba dal iyo dhaqan gelinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo nabad galyo ee u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya waxa uu dadka labada dal u saamixi doonaa fursado ay diiradda ku saaraan xiriirka siyaasadeed iyo midka bulsheed.”

Ugu dambeyn, xoghaye Pompeo ayaa sheegey in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu caawiyo hannaankan islamarkaasina uu dhinacyada kala shaqeeyo sidii loo heli lahaa kalsooni cad oo labada dhinac ah.

XS
SM
MD
LG