Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa toddobaadkan meel mariyay qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
Qaraarkan ayaa waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somalia ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo lagu sheegay uu dhaliyay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Somalia, iyagoo ku ciqaabaya go’aanka Somalia.
Baarlamaanka ayaa dhinaca kale dowladda Imaaraadka ku booriyay inay joojiso falal xasilooni-darro ka abuuri kara Somalia, sidoo kalena ay ixitiraanto madaxbannaanida dhuleed iyo qaranniamada Somalia.
Nuur Xasan Bukhaari ayaa warbixintan inoo haya.