Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bankiga ADB oo caawinaya qaxootiga Rohingya


Bankiga Horumarinta Asia ee ADB ayaa Bangladesh ka caawinaya inay horumariso xerooyinka ay ku nool yihiin qaxootiga muslimiinta ah ee Rohingya ee kasoo cararay dalka ay deriska yihiin ee Myanmar.

Bankiga ayaa ansixiyey 100 milyan oo dollar oo la siinayo Bangladesh, taasi oo qeyb ka ah xirmo dhaqaale oo gaaraysa 200 oo milyan.

Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Asia, Takehiko Nakao ayaa sheegay in lacagtan ay gacan ka gaysan doonto in laga hortago qatarta baahi, cudur iyo musiibo ee ay wajahayaan dadka Rohingya.

Bankiga ADB ayaa sheegay in markii ay heleen codsiga dhaqaale ee Bangladesh ay si deg deg ah uga jawaabeen si xaaladda deg degga ah wax looga qabto.

Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ayaa ka cararaya dalka Myanmar halkaasi oo ay ku beegsanayaan ciidamada dalkaas iyo kooxo kale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG