Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo ku wajahan Kuuriyada Waqooyi


Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Khamiistii u kicitimay Kooriyada Waqooyi, isagoo halkaasi ku gali doona wada-hadallo ku saabsan soo afjarista Hubka Nuclear-ka Pyongyang.

Arinkan ayaa daba jooga qiimeyn Hey’adda Mukhaabaraadka Mareykanku ay sameysay taasoo lagu ogaadey in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu sii wado horumarinta Barnaamijkiisa Nuclear-ka.

Pompeo, oo uu direy Madaxweyne Trump si uu u soo indho-indheeyo heshiikii ay Singapore ku gaareen isaga iyo Kim, ayaa la filayaa inuu Pyngyang gaaro Jimcahan maanta ah.

Socdaalka Mike Pompeo ayaa ah kii Saddexaad ee uu ku tago dalka Kuuriyada Waqooyi, waana kiisii ugu horeeyey oo uu habeen ku hoyan doono.

XS
SM
MD
LG