Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo beenisay hadalkii safiir Jamaaludiin


Cadaani Hirmooge
Cadaani Hirmooge

Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax, islamarkaana VOA weli kuma guuleysan inay khadka teleefonka ku hesho mas’uuliyiinta dowladda.

Jacfar Kuukaay ayaa wareystay Caddaani Hirmooge.

ONLF oo beenisay hadalkii safiir Jamaaludiin
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:43 0:00

XS
SM
MD
LG