Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo joojiyey weeraradii Xuutiyiinta


Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in, sida uu hadalka u dhigay, la joojinayo ololaha military ee uu hormoodka ka yahay dalka Sacuudiga ee la doonayo in dib loogu qabsado magaalada xeebta ku taalla ee Xudeyda.

Ujeedada xabbad joojinta ayaa Imaaraadku sheegay in tahay in fursad la siiyo erygeyga gaarka ah ee QM oo u kala dab qaadaya labada dhinac ee dagaalamaya.

Ergeyga Gaarka ah ee QM, Martin Grifithis ayaa toddobaadkii hore sheegay in kooxda Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay muujiyeen inay doonayaan in wadahadalka dib u bilaabaan.

Bartimihii bishii June ayaa Isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo uu weerar ku qaaday magaalada Xudeyda si uu Xuutiyiinta meesha uga saaro.

Grifiths ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in maamulka dekedda ay ku wareejiyaan QM.

XS
SM
MD
LG