Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo Hal Sano Laga Ganaaxay Tartannada Yurub


L’AC Milan a battu le Hellas Vérone (4-1) au stade San Siro, Italie, 5 mai 2018. (Twitter/AC Milan)
L’AC Milan a battu le Hellas Vérone (4-1) au stade San Siro, Italie, 5 mai 2018. (Twitter/AC Milan)

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa muddo hal sano ah ka ganaaxay kooxda caanka ah ee AC Milan dhamaan tartannada Yurub, kadib marki lagu eedeeyay in ay jebisay Nidaamka Isku-dheelitirka Dhaqaalaha ee loo soo gaabiyo (FFP).

Nidaamkan ayaa dhigaya in kooxaha kubadda cagta Yurub aysan ciyaartooy ku soo iibsan karin lacag ka badan tan dakhli ahaanta usoo gasha sannadkiiba.

Bayaan kasoo baxya maanta xirirka UEFA ayaa lagu yiri “Naadiga AC Milan waxaa laga reebay ka qeybgalka tartanka soo socda ee Kooxaha Yurub, ama kan xiga haddii ay u soo baxdo. (Tusaale ahaan, ma ciyaari karto tartanka Yurub ee xilli ciyaareedka 2018/19 ama 2019/20, waa haddii ay usoo baxdo).

UEFA ayaa diiday codsi uu maamulka Milan u diray bishii December kaasoo ahaa in aanan la ganaaxin. Arrintaasi ayaa timid ka gadaal marki uu horraanti sannadkaan AC Milan iibsaday Li Yonghong oo ah ganacsade aanan hantidiisa la aqoon balse u dhashay Shiinaha. Wuxuu ku dhawaad 800 oo milyan oo Euro uga gatay Ra’isulwasaarihi hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi.

Shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan ah oo lagu magacaabo Elliott ayaa sannadki hore Li amaahisay 180 million oo euro oo u dhiganta ($212 million) si uu ugu dhameystiro iibsashada Milan, laakin shirkan ayaa saaratay deyntaasi dulsaar aad u badan.

Gudiga baarista UEFA ayaa walaac ka muujiyay awooda dhaqaale ee Mr. Lee gaar ahaan sida uu dib ugu magi karo lacagta lagu leeyahay isaga. Waana sababaha ugu weyn ee Milan loo ganaaxay.

Lee ayaa laga rabaa inuu shirkaddan maalgelinta Mareykanka ah dib ugu celiyo bisha October. Wuxuu hadda aad ugu raad joogaa sidii uu u heli lahaa ganacsato saami ka gadata Milan si uu u dabarro lacagta lagu leeyahay.

Milan waxay hadda xaq u leedahay in ay racfaan ka qaadato ganaaxa uu xiriirka Yurub saaray, waxaana ay dacwadda racfaanka u diri doontaa Maxkamada Isboortiga eek u taalla magaalada Lausanne ee dalka Switzerland. Go,aanka maxkamaddaan ayaa iman doona ka hor inta uusan bilaaban is reeb reebka koobak Yuruba Liig 29-ka July.

Milan ayaa ah kooxda labaad ee ugu hanashada badan koobka kooxaha horyaalada Yurub. Waxay horay u qaadday 7 jeer.

XS
SM
MD
LG