Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriinta Ethiopian-ka ee Puntland oo la hadlay VOA


Qaxooti orormo

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo galayay deegaanada Puntland muhaajiriin badan oo ka timid dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay gaadhayaan kumannaan haatanna ay sii kordhayaan.

Safarka muhaajiriinta, oo doonaya inay tahriibana, ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka.

Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa shalay waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso.

Weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa booqatay mid ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin muhaajiriintaasi, warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG