Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo loo doortay madaxweynaha Turkey


Erdogan
Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay xilka madaxtinnimo ee dalkiisa doorasho cusub oo waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo madaxtooyada siineysa awood dheeraad ah.

Warbaahinta Turkig aayaa ku warantay in Erdogan uu ku guuleystay doorashada boqolkiiba 53 codadkii la dhiibtay Axaddii.

Muharrem Ince oo ah hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee Xisbiga Dadweynaha ee Jmahuuriga, ayaa kaalinta labaad galay, isagoo heley codadka boqolkiiba 31.

Afti laga sameeyay dalkaasi sanadkii 2017, ayaa isbaddalo loogu sameeyay nidaamka siyaasadeed ee waddankaasi, waxana meesha laga saaray xafiiskii ra’iisual wasaaraha, madaxweynaha ayaa awood loo siiyay in uu kala diri karo baarlamaanka, wasiirada magacaaban iyo qaaddiyayaasha.

XS
SM
MD
LG