Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Guul Layaab Leh Ka Gaaray Weden


Toni Kroos oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Sweden.

Xulka difaacanaya horyaalnimada Koobka Aduunka ee Jarmalka ayaa soo nooleeyay rajadiisa ah inuu noqdo dalki ugu horreeyay ee koobka ku guuleysta laba jeer tan iyo sannadki 1962-ki markaas oo ay Brazil koobka ku guuleysatay laba jeer oo is-xigtay, kadib marki ay xalay 2-1 uga badiyeen Sweden.

Jarmalka ayaa u muuqday inuu ka harayo Ciyaaraha Aduunka ee sannadkaan ilaa daqiiqadi ugu danbeysay ee ciyaarta, kadib marki uu goolka guusha laadka xorta ah ugu dhaliyay Toni Kroos ciyaarta oo ay dhamaadkeedii ka harsanaayeen ilbiriqso.

Sweden oo ciyaarteedii kowaad kasoo badisay Kuuriyada Koofureed ayaa kulanki xalay soo bandgigtay ciyaar ku dhisneyd isdifaacis, iyada ayaana goolka la hormartay, kadib marki uu daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta uu u dhaliyay Ola Toivonen.

Laakin Jarmalka ayaa ka daba tagtay Sweden daqiiqadii sadexaad ee qeybti labaad ee ciyaarta kadib marki uu goolka bareejada u keenay Marco Reus oo uu macalin Joachim Low xalay siiyay booska Mesut Ozil oo shalay la fariisiyay kursiga keydka.

Jarmalka oo 15-ki daqiiqo ee ugu danbeysay ku ciyaarayay 10 laacib kadib marki kaarka cas laga siiyay Jerome Boateng ayaa dhamaadki ciyaarta helay goolkii guusha kaasoo dabaaldag aanan caadi aheyn mar qura ka dhaliyay laga soo bilaabo ciyaartooyda iyo taageerayaasha garoonka ku jiray ilaa magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo xalay si weyn looga dabaaldagay.

Ciyaarihi kale ee shalay dhacay, xulka Mexico ayaa 2-1 ugu awood sheegtay Kuuriyada Koofureed.

Mexico ayaa u baahnaan doonta guul kulanka ay la dheeli doonto Arbacada xulka Sweden si ay ugu gudubto wareega xiga, halka Jarmalkana soo bixistiisa ay ku xirnaan doono guul iyo goolal badan oo uu ka keeno ciyaarta uu la dheeli doono Kuuriyada Koofureed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG