Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 nin oo lagu helay dambiga weerarkii masjidka Minnesota


Xafiiska Xeer-ilaaliyaha gobolka Minnesota, ayaa baaritaanno uu muddo wadey kadib waxaa uu dembi kan ugu weyn uu yahay “Naceyb” ku helay, saddex nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen weerarka bombaanada loo adeegsadey ee lagu qaaday xarunta Dar al-Farooq oo ah Masjid iyo xarun Islaami ah oo ku taalla gobolkaasi horaantii bishii Agoosto ee sanadkii 2017.

Saddexda Nin oo kasoo jeedo gobolka Illinois ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu qaadey dambi heer Federal ah oo ah inay weerareen xarun diimeed ayna muujiyeen naceyb.

Hadaba, Warsaxaafadeedka uu soo saarey Xafiiska Xeer ilaalinta iyo fal-Celinta Maamulka Xaruntaba Waxaa Warbixintan innooga diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.

3 nin oo loo haysto weerarkii masjidka Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG