Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Portugal oo Uruguay oo guulo gaaray


Xulka kubadda cagta Portugal ayaa Arbacadi 1-0 uga badiyay Morocco oo ka mid ah xulalka matalaya Qaarada Africa.

Goolka guusha waxaa Portugal u saxiixay Ronaldo oo hadda hogaaminaya gooldhalinta ciyaaraha aduunka, isaga oo leh 4 gool labadi kulan ee uu ilaa hadda dheelay.

Uruguay waxay 1-0 ku jajabsadeen Saudi Arabia. Goolka guusha waxaa saxiixay Suarez. Ilaa iyo hadda waxaa xaqiijiyay inay usoo gudbeen wareega labaad ee 16-ka xulalka Russia iyo Uruguay, halka Masar iyo Sacuudiga iyo Morroco ay noqodeen kuwi ugu horeeyay ee ka haray tartanka.

Maanta iyo caawa saddex kulan oo ka kala tirsan Group-yada C iyo D ayaa dhici doona. Ciyaarta ugu soo horreysay waxay 3-da galabnimo xilliga Geeska Africa dhexmari doontaa Denmark iyo Australia, tan ku xigtana waxay lixda galabnimo dhexmari doontaa France iyo Peri.

Ciyaarta ugu danbeysa waxaa caawa fiidkii isku haleeli doona Argentina iyo Croatia.

XS
SM
MD
LG