Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: 30 askari oo weerar lagu dilay


Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dalka Afghanistan ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay yihiin Taliban ay weerar ku qaadaeen laba bar kontorool maanta.

Madaxa golaha deegaanka Badghis ayaa sheegay in weerarka uu xilli dambe oo habeenkii talaadada ahayd ka billowday degmada Bala Murghab uuna socday illaa subaxii arbacda.

Taliban si deg deg ah uma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarada oo yimid kadib saddex maalmood oo ahayd xabad joojin lagu sharfayey Ciidul Fitriga.

Kooxda Taliban ayaa xukunka Afghanistan waxaa ka tuuray ciidamada NATO ee Mareykanka uu hoggaamiyo kadib weeraradii argagixiso ee sanadii 2001 lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washington ee dalka Mareykanka.



XS
SM
MD
LG