Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka baxay golaha xuquuqda aadanaha QM


 Mike Pompeo iyo Nikki Hale oo wariyaasha kula hadlaya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York
Mike Pompeo iyo Nikki Hale oo wariyaasha kula hadlaya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York

Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in Golahani uusan hadda kadib u qalmin magaca uu wato.

Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen Talaadadi shalay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayay ku sheegeen in golahani uu muddo dheer difaacayay kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha, sidoo kalana uu ahaa gole siyaasad ahaan u janjeera hal dhinac.

Nikki Haley, waxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku eedeeysay inuu si aad uga eexday Israel. Waxay sheegtay in ay xubno ka yihiin dalal ku tunta Xuquuqda Insaanka, iyada oo tusaale usoo qaadatay Venezuela, China, Cuba iyo Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo.

Dhanka kalana, Qaramada Midoobay ayaa ka jawaabtay go'aanka Mareykanka uu uga baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in Xoghaye António Guterres uu aad u doorbidi lahaa in Mareykanka uu xubin kasii ahaado Golaha Xuquuqda Aadanaha.

XS
SM
MD
LG