Ciyaar xalay dhexmartay xulalka Brazil iyo Switzerland ayey labada dal isku dhaafi waayeen, waxaana ay kusoo gaba gabowday 1-1,
Brazil oo ka mid ah dalalka loo saadaalinayay koobka ayaa ka badinweysay Switzerland.
Goolka waxaa la hormaray Brazil, waxaana u saxiixay Phillipe Coutinho, laakin waxaa ka daba tagay Switzerland kadib marki uu goolka barbaraha u keenay Steven Zuber.
Ciyaar kale oo Axadi shalay dhexmartay Costa Rica iyo Serbia ayaa waxaa 1-0 ay guushu ku raacday Serbia.