Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koobka adduunka: Mexico oo ka naxsatay Germany


Xulka difaacanaya horyaalnimada koobka aduunka ee Jarmalka ayaa shalay ku dhacay inuu badiyo ciyaartiisi ugu horreysay ee tartanka sannadkaan kadib marki uu xulka Mexico ku garaacay 1-0.

Goolka guusha waxaa Mexico u saxiixay laacibka weerarka ka ciyaara ee Hirving Lozano.

Tababaraha kooxda qaranka Jarmalka Joachim Loew oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in ay si dhaqso ah uga soo kaba doonaan jabka soo gaaray.

“Cashar ayaan ka qaadannay guuldarradan, ciyaarta xigto ayaanan wax wanaagsan qaban doonnaa” Ayuu yiri macalinkan 58 jirka ah.

Jarmalka ayaa si wanaagsan u ciyaarayay tan iyo marki xulka loo dhiibay macallin Low sannadki 2006-di. Sannadkaas wuxuu gaarsiiyay semi-finalka, halka ciyaarihi aduunka ee sannadki 2014-ki uu qaaday koobka.

XS
SM
MD
LG