Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Xudeyda oo Galay Maalintii Saddexaad


Tribal fighters loyal to the Yemeni government stand by a tank in al-Faza area near Hodeida, Yemen June 1, 2018.

Maalinti saddexaad ayuu galay dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ku doonayaan in ay maleeshiyada Xuutiyiinta uga qabsadaan magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Isbaheysiga Carbeed ayaa doonaya in ay Xuutiyiinta ka go,doomiyaan dekedda kaliyah ee ay adeegsadaan oo ah dekedda magaalada Hudeyda.

Hey’adda Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay cunaqabateyn saaraan dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, haddii ay isku dayaan in ay is-hortaagaan gargaarka bani,aadannimo ee loo wado dadka rayidka ah.

Sarah Leah Whitson, oo ka tirsan HRW ayaa sheegtay in Ciidanka Xulafada iyo kuwa dagaalyahannada Xuutiga ay labaduba sameeyeen xadgudubyo dhinaca dagaalka ah.

Khamiistii, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Yemen in ay u faraan albaabada, shaqaalaha Hey’adaha Caalamiga ah ee raba in ay caawiyaan dadka magaalada Xudeyda oo lagu sheegay in ay gaarayaan 600 oo kun oo ruux.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG