Isku xirrada

War Deg-Deg ah

TPLF oo ka cabanaya isbeddelada Ethiopia


Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, Xisbiga TPLF ee qowmiyadda Tikreyga dalka Ethiopia ayaa ku baaqaya in kulan degdeg ah la iskugu yimaaddo.

Xisbiga ayaa sheegay in isbeddelada toddobaadkii uu Ra’iisal Wasaaraha dalku ku dhawaaqay ay meel mareen iyada oo aan si wadajir ah looga tashan.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa dalal dhowr ah booqasho ku tagey.

Haddaba isbeddeladan dhinaca siyaasadda iyo cabashada ka timid iyo waliba ujeedada booqashooyinkii u dambeeyey ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Maxamed Ismaaciil Sheekh Cumar oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Caddaaladda Deegaanka Soomaalida, kuna sugan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Maxamed waxa uu marka hore ka hadlayaa booqashooyinkii uu Abiy dhawaan ku tagey dalalka Ethiopia dariska la ah.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG