Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee taageeraya dowladda dibed-joogga ah ee dalka Yemen ayaa maanta billaabay weerar ka dhan ah magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeyda.
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa maamula magaalada Xudeyda, iyo sidoo kale caasimadda Yemen ee Sanca.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga, ayaa sheegtay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay Xuutiyiinta inay uga baxaan magaaladan dekedda leh.
Xudeyda waa magaalo muhiim u ah cunnada iyo gargaarka la geeyo Yemen, waxaana gudaha iyo hareeraha magaaladaas ku nool 600,000 oo qof.
Dowladda dibed-joogga ah ee Yemen ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in qabshashada Yemen ay muhiim u tahay dagaalka ay ugu jirto inay dib gacanta ugu dhigto maamulka dalka.
QM ayaa sheegtay in saddexdii sano ee uu socday dagaalka Yemen lagu dilay 10,000 oo qof oo badankood ku dhintay duqeymaha ay fuliyaan isbaheysiga Sacuudiga.