Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo wareysi siiyey VOA


Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday dalka Singapore ka dib kullan ay halkaasi ku yeesheen.

Heshiiskan taariikhiga ah ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu ku sheegay inay ka go’an tahay inuu baabi'iyo barnaamijka Nukliyeerka ee dalkiisa, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump-na uu Kuuriyada Waqooyi siiyay damaanad qaad nabadgelyo.

Dhinaca kale, Kullankaa kadib ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wareysi gaar ah siiyay Greta Van Susteren oo la shaqeysa idaacadda VOA-a.

Wareysiga ayey wax uga weydiisay shirkooda iyo wixii ay uga wadahadleen iyo waxa haatan la filan karo.

Wareysigaasi waxaa eegaya Xuseen Barre Aaden oo soo aqriyay, Falastiin Axmed Imaan ayaa lasoo jeedineysa, waxaana uu u dhacay sidan.

Dhageyso VOA oo wareysi la yeelatay Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:27 0:00

XS
SM
MD
LG