Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil oo 3-0 Ku Garaacday Austria


Neymar
Neymar

Xulka kubadda cakta Brazil ayaa si xarago leh kusoo gaba gabeeyay Axadi shalay, ciyaaro saaxibtinimo oo uu isugu diyaarinayay koobka aduunka ee Khamiista ka furmi doona dalka Ruushka.

Brazil waxay shalay 3-0 uga badiyeen xulka kubadda cakta Austria. Iyadoo saddexda gool ee ay ku badiyeen ay ahaayeen kuwo soo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaan goolki cajiibka ahaa ee uu dhaliyay xidigooda Naymar.

Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Gabriel Jesus iyo Philippe Cooutinho. Neymar ayaa garoonnada dib ugu soo laabtay todobaadki hore gaar ahaan ciyaar ay Brazil 2-0 uga badiyeen Croatia, ciyaartaas oo uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay ku badiyeen.

Neymar ayaa cagta lugta midig ka jabay bishii Febraayo ee sannadkaan. Waana laacibka ay ku tashanayaan taageerayaasha xulka Brazil ciyaaraha aduunka ee sannadkaan 2018-ka.

Brazil kulankeeda ugu horreeya waxay 17-ka bishaan la dheeli doontaa xulka Switzerland.

XS
SM
MD
LG