Kooxda Taliban ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay joojin doonto muddo seddex maalmood ah weeraradii ay ku heysay dowladda Afghanistan inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda, kadib bil la soo soomayay.
Xabbad joojinta ay ku dhawaaqeen Taliban ayaa waxay si aan ku tala gal ahayn isugu soo aadayaan joojinta howl gallada ka dhanka ah kooxda Taliban muddo toddobaad ah oo billaabmaysa 12-ka June ee Talaaadada soo socota. Hakinta wowlgalladaasi ayaa waxa ku dhawaaqay dowladda Afghanistaan ee uu hoggaamiyo madaxweyne Ashraf Ghani.
Kooxda, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in taliskooda uu amrey maleeshiyaadkooda inaysan kulamo ku qabsan meelaha ay rayidku ku badan yihiin inta maalmaha Ciidda lagu jiro, si ay shacabka ugu suurawdo inay si nabad galyo ah ku ciidaan.
Balse, kooxda, ayaa ku gooddisay inay weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada shisheeye ee Mareykanku uu hoggaamiyo ay sii socon doonaan.