Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaabka oo Dilay Askari Maraykan ah


Kooxda al shabaab ayaa weerar ku dishay hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo maraykan ah, ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda al Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah.

Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ayaa ku gudjiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay al Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in al shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay qaaday dhaawaca.

Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askraigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Kooxda al shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xidhdiidh ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

XS
SM
MD
LG