Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabil Fekir oo Ku Biiraya Liverpool


Nabil Fekir
Nabil Fekir

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Lyon ee dalka Faransiiska Nabil Fekir.

Wadaxaajood lagu dhameynayo heshiiska laacibkan ayaa u socda kooxaha Liverpool iyo Lyon, waxaana wararku sheegayaan in Liverpool ay ku iibsan doono xidigaan 24 jirka ah lacag dhan 60 milyan oo euro.

Fekir ayaa ka mid ah laacibiinta u mataleysa xulka Faransiiska koobka aduunka ee dalka Russia ka furmaya todobaadka soo socoda.

Fekir wuxuu ku dhashay dalka Fanasiiska, balse wuxuu asla ahaan kasoo jeedaa dalka Algeria.

Haddii ay Liverpool ku guuleysato saxiixa laacibkan ayaa wuxuu noqonayaa laacibki labaad ee uu macalin Klopp keeno kooxda bishaan June.

Waxaa dhawaan Liverpool 39 milyan oo Pound kusoo iibsatay laacibkii hore ee khadka dhexe ee kooxda Monaco Fabinho. Waxaa kale oo ay bisha July keeni doonaa kubad sameeyaha kooxda RP Leipzig Naby Keita.

XS
SM
MD
LG