Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Douglas Costa oo Si Rasmi ah Ugu Biiray Juventus


Douglas Costa iyo Dybala
Douglas Costa iyo Dybala

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah u iibsatay laacibka garabka bidix ee khadka dhexe uga ciyaara xulka Brazil Douglas Costa, kaasoo sannadki lasoo dhaafay Juve si amaah ugu ciyaaray.

Juventus waxay Costa 40 milyan oo Yuro uga iibsatay kooxda Bayern Munich oo laheyd xuquuqda laacibka marki horana ay Juventus kasoo amaahatay.

Costa ayaa ah 27 jir, wuxuu hadda kooxda ka dhisan magaalada Turino ee dalka Talyaaniga u saxiixay heshiis afar sano ah.

Wuxuu ka mid yahay xidigaha Brazil ee ka qeybgalaya koobka aduunka.

XS
SM
MD
LG