Inta la xaqiijiyay ilaa iyo afar qof ayaa u dhimatay xumada Rift Valley Fever oo ka dillaacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya.
Maamulka caafimaadka ee Wajeer ayaa shaaciyay arrintan, iyagoo uga digay dadka inay cunaan hilibka xoolaha oo uu badanaa ku dhaco ka hor inta uusan u gudibin bini'aadamka.
Wariyaha VOA Waqooyiga Bari Kenya uga soo warama Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Gaarisa ka soo diray.