Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil 16 jir ah ayaa kaalinta koowaad ku soo guuleystay tartan caalami ah oo Qur'aan Akhris ah kaas oo ka dhacay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Axmed ayaa ka tagey magaalada Minneapolis ee gobolka MN, waxana uu ku tartamayey magaca Maraykanka. Waxa uu dib ugu laabtay magaaladii uu ka baxay markii hore. Maxamuud Mascadde ayaa warkan ka soo direy Minneapolis.