Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya: Shirkado dowladeed oo la madax-bannaaneynayo


Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay oggolaayay hirgalinta heshiiskii nabadda ee la kala dhex-dhigay iyagda iyo dowladda Eritrea, kaasoo oo dhigayay in Ethipia ay Eritrea ku wareejiyo magaalada Badwe ee xadka oo labada dhinac ay ku muran sanaayeen.

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hoggaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukumay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, dowladda Ethiopia ayaa shirkado waaaweyn oo ay dowladdu lahayd ka dhigaysa kuwa madax-bannaan, kuwaasi oo qeybo badan saamigooda laga iibin doono shirkaddo gaar ah iyo maalgashiyayaal shisheeye. Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah isbeddellada uu Raisul-wasaaraha cusub ku sameynayo dalkaasi. Warbixintan waxaa inoo haya Xuseen Bare Aden.

Dhageyso Warka Itoobiya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG