Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICG: Xiisadda Khaliijka halis ayay ku tahay Somalia


icg logo1
icg logo1

Muddo ku dhow 30 sanadood Somalia waxey aheyd mid tabardaran, kala qeybsan oo argagixiso iyo burcad badeed ay halis ku hayeen ammaanka guud ee gobolka Geeska Africa.

Beesha Caalamka, oo uu Mareykanka ku jiro iyo Midowga Africa oo kumanaan ciidamo ah ay ka joogaan Soomaaliya, ayaa isku dayayay inay kobciyaan awoodda dowladda Soomaaliya, si looga hortago in mar kale ay Soomaaliya ku noqoto godkii mugdiga ahaa ee ay ka soo baxday ama ay gacanta u gasho kooxda argagixisada ee Al-Shabaab .

Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga ayaa Soomaaliya u fidiyay taageero, laakiin khilaafka muddada sanadka ah u dhaxeeya awoodahaas Bariga Dhexe ayaa haatan halis weyn ku haya Soomaaliya, waxaana laga digayaa inay burburiyaan guulaha ilaa iyo iminka laga gaaray soo kabashada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay kooxda Xasaradaha ee Caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo la yirahdo ICG.

Xuseen Barre Aaden ayaa inoo soo koobaya warbixintaas.

ICG: Xiisadda Khaliijka halis ayay ku tahay Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:49 0:00

XS
SM
MD
LG