Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Turkiga oo is-faham gaaray


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inay wax ka qabtaan walaacyada ay wada qabaan, oo ay ku jiraan argagixisada.

Labadan dal ee isbaheysiga NATO ka wada-tirsan ayaa shalay wada-hadallo ku yeeshay magaalada Washington.

Kadib wada-hadallada ayaa qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waxay ku sheegeen inay is-dhaafsadeen aragtidooda ku aaddan danaha labada dhinac iyo arrimaha gobolka iyo inay dib u xaqiijiyeen inay si wada-jir ah ula dagaalamaan aragagixisada.

Waxyaabaha ku jiray ajandaha wada-hadalka waxaa ka mid ahaa taageerada Mareykanka uu siiyo jabhadda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo xukuumadda Ankara ay u aragto urur argagixiso.

Labada dhinaca ayaa isku raacay inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida magaalada Manbij, oo ay haystaan kooxda YPG.

XS
SM
MD
LG