Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Turkiga oo is-faham gaaray

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inay wax ka qabtaan walaacyada ay wada qabaan, oo ay ku jiraan argagixisada.

Labadan dal ee isbaheysiga NATO ka wada-tirsan ayaa shalay wada-hadallo ku yeeshay magaalada Washington.

Kadib wada-hadallada ayaa qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waxay ku sheegeen inay is-dhaafsadeen aragtidooda ku aaddan danaha labada dhinac iyo arrimaha gobolka iyo inay dib u xaqiijiyeen inay si wada-jir ah ula dagaalamaan aragagixisada.

Waxyaabaha ku jiray ajandaha wada-hadalka waxaa ka mid ahaa taageerada Mareykanka uu siiyo jabhadda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo xukuumadda Ankara ay u aragto urur argagixiso.

Labada dhinaca ayaa isku raacay inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida magaalada Manbij, oo ay haystaan kooxda YPG.

This item is part of
XS
SM
MD
LG