Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu oo madaxda Yurub kala shiraya Iran


Angela Merkel iyo Benjamin Netanyahu
Angela Merkel iyo Benjamin Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta magaalada Paris kula kulmaya hogaamiyayaasha Faransiiska, isaga oo weli wada dadaal uu madaxda Yurub uga dhaadhicinayo in wax laga beddelo heshiiska Nuclear-ka Iran.

Netanyahu ayaa socdaalkiisa ka billaabaya dalka Jarmalka, halkaasi oo shalay uu wada-hadallo kula yeeshay ra’iisul wasaare Angela Merkel, ugana digay in faro-gelinta Iran ee Bariga Dhexe ay horseedi karto qaxooti kusoo qulqula Yurub.

Isaga oo weriyayaasha la hadlayey, xilli ay dhinac taagneyd Merkel, ayaa Netanyahu waxa uu sheegay in Tehran ay dooneyso inay fuliso olole ka dhan ah Suniyiinta dalka Syria, ayada oo adeegsaneysa maleeshiyo shiico ah oo hoos taga.

“Tani waxay horseedi doontaa dagaal diimeed kale oo markan ka dhaca gudaha dalka Syria, waxaana ka dhallan doona qaxooti badan, waadna ogtihiin halka ay iman doonaan” ayuu yiri Netanyahu.

Britain, France iyo Germany ayaa Iran la galay heshiiska Nuclear-ka sanaddii 2015, ayaga oo ay wehliyaan Russia, China iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump aya bishii tagtay ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiska, oo uu ugu yeeray “mid xun ooh al dhinac ah.”

XS
SM
MD
LG